|
Dadka dhiibtay fikradooda |
|
walaale marka hore hambalyo waa wax loo baahnaa wax saxaafadeena(me dia)miisaama oo turxaan bixiya in la helo waana qorshe fiican,maadama aan Abwaan/saxufi ah aan bal iraahdo erayo yar oo ku saabsan webkiina sanadiyo wax badanbaan wax saxaafadeeni wada noqotay simantoo ruux kastaa siduu rabo sadrigiisu jecel yahay oo aan sax iyo qalad kala saarin soo qora suu jecel yahoo idil soo saara waayahan oo dagaalkii sokeeyaha sii geliya samadaa mar yiraa sal dhiga oo xaq iyo baadil sooraa saxaafadana u sheega mudaan taa sugaynee anshaxoow bal kala saar durraan shirwac london/uk
|
|
|
Wixii fikradaada ah ama talo aad hayso waxaad ku qorta halkan ..
|
|
ADKAYNTA NIDAAMKA SAXAAFADA IYO HORUMARINTA AQOONTA XEERARKEEDA Kalsoonidu waa wax soo saarka ugu qiimaha badan ee uu soo bandhigo Warfidiyeenku(looga qaateen).Akhristayaasha,daawadaayasha,iyo dhegeytayaasha oo ka aamin baxa saxaafadu waxay horseed u noqotaa fashilaad ku timaada warbaahinta.Hadaba sideebaa suxufigu ama saxaafadu u kasban karaa kalsoonidaas? Jawaabtu waa: 1.Joogtaynta warar lagu kalsoonyahay oon eex lahayn. 2.Wariyaha oo aan had iyo goor isu qaadan in uu sax yahay oo aqbala khaladka degdega gudbinta wararka awgood Warbaahinta Jaraa’idka,shabakadaha,radiha iyo Tvigu aad ayay ugu degdegaan in qiimayn ku sameeyaan macaamiishooda, halka warbaahintu aanay qaadan ama aqbalin marka iyaga la qiimeeyo tayadooda ama kalsoonida warbaahintooda, inta badana waxay muujiyaan diidmo qayaxan haddii loo soo bandhigo arrn iyagoo u haysta in aynu ku qasbanahay in aynu tooda qaadano balse ay ilowsan yihiin in aan lagu qasbanayn in la akhristo,daawado ama la dhegeysto wax soo saarkooda. Ma kugu dhacday in si xun laguugula dhaqmo war baahinta, balse aad garan weydo dariiqadii aad ugu baxi lahayd iyo cidii gefkaa lagaa galay aad kula garnaqsan lahayd. Marar badan sow ma dhacdo in aad dhegeysato,akhrisato ama daawato warar aad ogtahay in uu yahay khalad laga galo qof,bulsho,ganacsi ama hayad.(KAADH KA GUBIS,QARXIN IWM) Mara badan sow uma aynaan soo joogin colad si sahlan loogu huriyo warbaahinta. Markii aanu aragnay arrimaha kor ku xusan iyo qaar aa idinku ku dari doontaanba,waxa lama huraan noqotay asaaska shabakad qaabilsan warbaahinta Soomaalida iyo siday ula jaan qaadi lahayd warbaahinta Dunida iyo Aaladaha Casriga, si ay u soo gudbiyaan warar tayoleh oo dheelitiran.
ANSHAX: Adkaynta Nidaamka Saxaafadda iyo Horumarinta Aqoonta Xeerarkeeda. Shabakadaas oo ka hawl gali doonta. 1.Horumarinta tayada wararka iyadoo lagu qiimaynayo sugnaanta,cadaalada,iyo miisaanka 2.Kordhinta feejignaanta wariyaha ee wararka uu bulshada u gudbinayo. 3.Xalinta eedaha ama dacwadaha ka dhanka ah warbaahinta ee keeni kara in meel durugsan la isla tago. 4.Wacyi galinta Bulshada ee Qiimaha Saxaafada. 5.Kor u qaadida Aqoonta Suxufiga. 6.Kobcinta xirfada suxufiga si uu ugu guulaysto una ilaaliyo hankiisa wariyenimo kuna soo jiidan karo dhegaha iyo indhaha dadweynaha. 7.Hirgalinta (ABUURIDA) iyo shaandhanyta heerarka shaqada Anshax ee Warbaahinta iyo Bulshada labadaba. 8.Aqoon is weydaarsiga waayo aragnimada iyo fikradaha saxaafada dhexdeed iyo debedeeda intaba.Gabagabadii waxaanu soo dhoweynaynaa cid kasta oo diyaar u ah in ay ku tabarucdo talo,tusaale iyo wixii ay wax kaga kordhin karayaan mashruucan oo ah mid loo siman yahay oo dhextaal dhamaan dadka af Soomaaliga ku hadla meelkasta oo ay joogaan.
Fadlan nagala soo xidhiidh shebekada www.anshax.com email:
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
. under samays
Eng: Xaashi Ismaaciil Asaasaha Shabakada
|
|
|